Taliska Korneyl Muuse Biixi oo maleeshiya-beeleed ku soo daabulaya Laascaanood

Taliska Muuse Biixi ayaa mar kale saaka dhaq dhaqaaqyo iyo dib u abaabul ciidan ka wada jiidda Laascaaanood.

Korneyl Biixi ayaa saaka Maleeshiyaad cusub oo laga soo ururiyay beelaha Somaliland ku kordhiyay ciidamada fadhiya Gooja-cadde.

Maleeshiyaadkan oo mudda bil ah lagu tababaray ayaa lagu soo daabulay gaadiidka xamuulka ee loo yaqaan Waaraadyada.

Ciidamada Somaliland ayaa maalmo ka hor duullaankii ugu cuslaa ku qaaday Laascaanood si ay dib ugu qabsadaan waase ku fashilmeen.

PUNTLAND POST