Madaxweyne Xasan Sheekh oo 8 sharci saxiixay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada waxa uu ku saxiixay 8 sharci oo ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka, kuwaas oo kala ah:

1 .Sharciga La-dagaallanka Argagixisada
2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,
3 .Sharciga Socdaalka,
4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha
5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,
6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,
7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.
8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo uu sheegay in ay aas-aas u yihiin dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo.

PUNTLAND POST