Wasiirka Arrimaha Dibada Turkiga oo maanta booqanaya dalka Masar

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa sabtida maanta ah u safri doona magaalada Qaahira, safarkaas oo muujinaya inuu iftiimayo cilaaqaadka u dhexeeya labada dal toban sano kadib markii xiriirka diblumaasiyadeed uu jaray afgambigii madaxweynihii Masar Maxamed Mursi oo xulufo la ahaa Ankara.

Booqashada Mevlut Cavusoglu, ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee uu Turkiga u diro diblumaasigiisa ugu sarreeya tan iyo markii taliyaha ciidamada Masar, haatana ah madaxweynaha, Abdel Fattah al-Sisi uu hoggaaminayay afgambigii Mursi bishii July, 2013.

Waxay kusoo beegantay booqashada Cavusoglu, laba toddobaad markii dhiggiisa Masar, Sameh Shourky, uu booqday Turkiga, si uu u muujiyo taageero kadib dhul-gariirkii weynaa ee ay ku dhinteen in ka badan 50,000 oo qof, kaas oo ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya.

“Dhammaan dhinacyada xiriirka labada dal waa laga wadahadli doonaa, waxaana la isku weydaarsan doonaa aragtiyo ku aaddan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Waxaa bilihii lasoo dhaafay soo ifbaxayay calaamado muujinaya isu soo dhawaanshiyaha u dhaxeeya Turkiga iyo Masar.

PUNTLAND POST