Puntland oo shaacisay xogta diiwaangelinta

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa caawa shaaciyay wadarta guud ee tirada muwaadiniinta isdiiwaangeliyay ee codka bixin doona doorashada golayaasha deegaanka ee muddeysan 25 May 2023.

401,120 oo qof ayaa iska diiwaangeliyay 37 degmo oo ka tirsan gobollada Bari, Karkaar Gardafuu, Sanaag, Haylaan, Nugaal iyo Mudug.

1. Bari waxaa iska diiwaangeliyay 102, l937 qof
2. Gardafuu waxaa iska diiwaangeliyay 14,253 qof.
3. Karkaar waxaa iska diiwaangeliyay 49,797 qof
4. Haylaan waxaa iska diiwaangeliyay 11,249 qof
5. Mudug waxaa iska diiwaangeliyay 102, 353 qof
6. Sanaag waxaa iska diiwaangeliyay 22,608 qof
7. Nugaal waxaa iska diiwaangeliyay 97,923 qof

PUNTLAND POST