Dagaal culus oo ka socda duleedka magaalada Laascaanood

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo xoogaga Daraawiishta SSC ayaa ka socda duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dagaalka ayaa subaxnimadii hore ee saaka ka bilowda jihooyin kala duwan oo dhinaca bari iyo Galbeed ee Laascaanood.

Wararka hordhaca ah ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Somaliland dagaalka looga qabsaday maxaabiis iyo gaadiid dagaal.

Dagaalka ayaa ad uga culus kana baaxad weyn dagaalladii hore ee ka dhacayay magaalada Laascaanood.

PUNTLAND POST