Addis Ababa (Faallo) — Soddon sano ka hor Itoobiya waxay noqotay dal aan bad lahayn. Waa sanadkii ay Eritreeya sida rasmiga ah uga go’day Itoobiya afti la qaaday kaddib. Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa u muuqda inuu isku dayayo inuu fursad Itoobiya bad ku yeelato abuuro. Saylac ayuu isha si gaar ah ugu hayaa. Saylac waa magaalo ay degto beesha Ciisa oo awoodda siyaasadda Jabuuti gacanta ku haysa. Colaadda Ciisaha iyo Canfarta Itoobiya ku dhexmartay waxay qeyb ka tahay siyaasad Itoobiya ay hal dhagax inay laba shimbirood ku disho ay ku doonayso: in awoodda siyaasadaa Canfarta loo gacangeliyo iyo in Itoobiya ay Saylac sababo amni u qabsato haddii Soomaalidu ka kireyn waayaan magaalada xeebta ah.
Warqaddii Seyoum Mesfun qoray 2018 kuna dooday in Soomaaliya laga dhex samaynayo meel ciidan ka caaggan (buffer zones) ayaa miiska Abiy Ahmed dul saaran. La taliye Amxaar ah ayaa xusuusiyay Abiy in taariikhda Itoobiya ku dhisan tahay ku dhiirrashadii Menelek iyo Xayle Salaase ku sheegteen dhul Soomaalida ku nooshahay oo Biritishku ilaalinayay, taasina ay keentay in dhulkaas loo gacangeliyo Xabashida.
Seyoum Mesfin wuxuu ku dooday in Soomaaliya aysan damaanad qaadi karin amnigeeda sidaas darteedna ay Kenya iyo Itoobiya xaq u leeyihiin in ay Soomaaliya ka dhex sameeyaan meelo lagala dagaallamo wax uu ugu yeeray “argagixisada”. Dagaalkii uu Mesfin Soomaaliya la doonayay wuxuu ka dhacay Tigray Nofeembar 2020. Godkuu uu isagu qoday ayaa isaga laf ahaantiisa lagu dilay intii uu dagaalku socday.
Dhowaan wasiirka arrimaha dibedda maamulka Somaliland ayaa sheegay in uu Somaliland u tagay Itoobiya darbi ka hortaagan argagixiso. 1959 Xayle Salaase oo 1954 dhul Soomaaliyeed si sharcidarro ah loogu wareejiyay ayaa ugu baaqay odayaashii Maxmamiyaddii Soomaalida ee Biritishka ku maamulayay habka xukunka dadban (indirect rule) inay ku soo biiraan Itoobiya. Bishii Maajo 1960kii ayay odayaashii waqooyigu doorteen inay ku soo biiraan Soomaaliya oo 1dii Luulyo 1960kii dal noqonaysay kaddib toban sano oo xornimo-gaarsiin ah. Shuruudda Biritishku ku siiyay Waqooyiga madaxbannaanida waxaa ka mid ahayd in Somaliland aysan ka mid noqon doonin dalalka Barwaaqo-sooranka. Sababo kala duwan oo aysan qormadan soo koobin karin ayuu Biritishku ka lahaa inuu hor istaago in maxmiyad uu xukumo jiray ay ku soo biirto dalalka Barwaaqo-sooranka.
69 sano kaddib markii dhul Soomaaliyeed Itoobiya lagu wareejiyay waxaa muuqata halis ah in dhul qaran Soomaaliyeed ka tirsan mar kale xoog ay Xabashidu ku qabsato waayo 1946 odayaashii Hargeysa qaarkood ka hor yimid in magaca SYL lagu doono xornimo waxay u sahleen Biritishka in uu jebiyo heshiiskii uu beelaha Soomaaliya la galay. Miyay Somaliland isku helaysaa inay qarannimada Soomaaliya diiddo iyo in xeeb Soomaaliyeed aysan u gacangelin Xabashida amaba si sharci-darro ah aan looga kireynin xagjirka Amxaarada oo Saylac u arka meel ay si fudud u qabsan karaan?
Cali F. Maxamed, Dirirdhabe
You must be logged in to post a comment.