Duufaan xoogan oo dalka Malawi ku dishay 350 qof

Mas’uuliyiinta dalka Malawi ayaa sheegay in duufaan xoog badan oo dalkaas ku dhufatay inay dishay in ka badan 350 qof, halka ay barakicisay kumanaan qof.

Hay’adda maamulka masiibooyinka dabiiciga ah ee dalka Malawi ayaa khamiistii sheegtay in tirada dhimashadu ay marayso illaa 326 qof, kuwaas oo ku dhintay daadadka soo fatahay iyo dhul go’ ka dhacay meelaha qaar.

Madaxweynaha dalka Malawi ayaa ku dhawaaqay 14 maalmood oo baroordiiq qaran ah, isaga oo ku baaqay in dalkiisa loo fidiyo gurmad caalami ah.

Madaxweynaha dalka Malawi ayaa ku dhawaaqay 14 maalmood oo baroordiiq qaran ah, isaga oo ku baaqay in dalkiisa loo fidiyo gurmad caalami ah.

Hay’adda saadaasha cimilada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in duufaantani ay bishii February 6-deedii ka soo bilaabantay xeebaha dalka Australia.

PUNTLAND POST