War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Puntland (Puntland Economic Corridor & Investment Conference) oo maanta ku soo geba-gaboobay magaalada Garoowe
Shirkan oo ay ka qayb-galeen in ka badan 40 shirkadood oo isugu jira shirkado Caalami ah iyo kuwa Soomaaliyeed ayaa intii uu socday si weyn loogu lafa guray Fursadaha maalgashi ee kajira Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland Cabdullaahi Cali Maxamed (Xaashaawe) oo xiritaankii shirka Khudbad dheer ka jeediyay ayaa kasoo qaybgalayaasha la wadaagay qodobo badan oo laga faa’iidey shirka mudadii Sadexda maalmood ahayd.
“Waxaa shirka timi Gabar maalqabeen ah oo u dhalatay Shiinaha oo diyaar u ah inay maalgashato Beeyada, Beeyadeena oo dhibaato haysato waxaa ganacsatadu ii sheegeen in bakhaarada ay ku xumaato, qaar Hargeysa la geeyey oo magac kale lagu dhejiyey qaarna la ina ga dhacay, marka waxay diyaar u tahay in beeyadeena halkan lagu farsameeyo laguna qoro Made in Puntland,” ayuu yiri Wasiir Xaashaawe.
Wasiirka ayaa sheegay in guud ahaan shirku ahaa mid guulaystey natiijo fiicana ay kasoo baxday intii shirku socdey lagana soo saaray qodobo dhaxal gal u ah bulshada reer Puntland.


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.