Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Baydhabo iyo Puntland oo ka maqan

Magaalada Baydhabo waxaa goordhaweyd ka furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo waxaa lagu lafo-guri doona qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Somalia.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Saalax Jaamac iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirka waxaa ka maqan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, maqnaashahaas oo la xiriiraa khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland oo aan weli xal loo helin.

PUNTLAND POST