Gadood ciidan ayaa saaka ka dhacay Taliska Ciidamada Somaliland ee Gooja-cadde oo ku yaalla duleedka Laascaanood.
Gadoodka ayaa sababay in gaadiid dagaal ka goostaan Ciidamada Somaliland kuwaas oo sida la sheegayo u baxsaday Galbeedka Gobolka Sanaag.
Xogaha ayaa tilmaamaya in Gadoodka Ciidanka uu salka ku hayo khilaaf ka dhex aloosan Saraakiisha Ciidamada Somaliland.
Gadoodkan ayaa ku soo beegmay maalin uun kadib markii uu gadood Ciidan ka dhacay Taliska Sirdoonka Somaliland ee Hargeysa.
PUNTLAND POST