Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta soo saaray go’aanno lagu xoojinayo sugidda Amniga magaalada Gaalkacyo.
Warqad ka soo baxday Guddiga Amniga Gobolka Mudug oo uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Gobolka Faysal Shiikh Cali Jifo-jabsade ayaa lagu amray masaajidda Gaalkacyo in ay fuliyaan lix qodob oo lagu xoojinayo Amniga magaalada.
Guddiga ayaa amar ku bixiyay in dhammaan masaajida Gaalkacyo mudda Todobaad gudihiis ah lagu xiro kaamirooyinka wax duuba islamarkaana masaajidda loo sameeyo waardi khaas ah.
Guddiga ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta masaajidda ku amray in la awdo luuqyada u dhow masaajid kasta laguna xiro layrar waaweyn si loo xaqiijiyo Amniga.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.