Madaxweyne Deni oo Guddi u magacaabay dhismaha wadada Dangorayo iyo Eyl

Boosaaso: 13 March 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 16 ee 11-da March 2023, kuna saabsan magacaabid Guddiga Dhismaha Wadada Dangorayo – Eyl.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahidda loo qabo dardar-gelinta dhismaha Wadada Dangoroyo – Eyl ee Gobolka Nugaal.

Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Guddiga Dhismaha Wadada Dangorayo – Eyl loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin :-

1. Aadan Maxamed Ciise – Guddoomiye
2. Cismaan Guureeye Kaarshe – G.Kuxigeen
3. Cawil Xasan Tooxyare – Xubin
4. Mukhtaar Cabdiraxmaan – Xubin
5. Faysal Khalliif Wacays – Xubin
6. Nabadoon. Haruun Timayare – Xubin
7. Nabadoon. Maxamuud Xaaji Yuusuf – Xubin
8. Nabadoon. Khaliif Aw Cali – Xubin
9. Nabadoon. Cali Gaafaa – Xubin
10. Nabadoon. Ciise Cadduur – Xubin
11. Sheikh. Maxamuud Xaaji Yuuuf – Xubin
12. Sheikh. Axmed Yuusuf Daad – Xubin
13. Jaamac Salaad Dhagadheere – Xubin
14. Warsame Garweyne – Xubin
15. Cabduqaadir Foodcadde – Xubin
16. Cabdi Cali Qarjab – Xubin
17. Cabdullaahi Ciise Aw Axmed – Xubin
18. Cabdikariin Muuse Maxamed – Xubin
19. Cawil Cali Xaad – Xubin

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

FAAFINTA: PUNTLAND POST