Nabaddoon Cabdi Dheere oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo

Nabaddoon Cabdi Aadan Siyaad ( Cabdi Dheere) oo kamid ahaa Nabaddoonada Gobolka Mudug ayaa xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Dabley hubaysan ayaa sida la xaqiijiyay marxuumka ku toogtay bannaanka hore masaajidka Ramadaan oo ku yaalla xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in marxuum Cabdi Dheere uu xilliga la toogtay markaas salaadda Makhrib ka soo baxay masaajidka Ramadaan.

Dableydii weerarka fulisay ayaa goobta isaga baxsaday islamarkaana ilaa iyo hadda lama soo werin cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaas.

PUNTLAND POST