Dowladaha Sacuudi Carabiya iyo Iran oo dib u soo celiyay xiriirkoodii

Dowladaha Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo xiriirkii go’ay 2016-kii, islamarkaana dib loo furo safaaradaha labada dhinac sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta labada dal.

Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay Iran 2016-kii kadib markii safaaraddeeda Tehran ay ku xoommeen shacab intii uu socday muran u dhaxeeyey labada dal oo ka dhashay markii Riyadh ay xukun dil ku fulisay wadada shiico ah.

“Wada-xaajood kadib Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo billaabo xiriirka diblomaasi, islamarkaana dib loo furo safaaradaha laba bilood gudahood ah” ayaa lagu yiri bayaan ay wadajir u soo saareen labada dowladood.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, oo daabacday bayaanka, ayaa sheegtay in labada dal ay isku raaceen in dib loo dhaqan-geliyo heshiiskii iskaashiga amni ee la saxiixay 2001, iyo heshiiskii dhaqaale, ganacsi iyo maal-gashi ee 1998-kii.

PUNTLAND POST