Somaliland oo DDS ku eedeysay dagaalka Laascaanood

Somaliland ayaa markii ugu horreysay ku eedeysay Dowlad Deegaanka Soomaalida in ay ka qayb tahay dagaalka u dhexeeya ciidamadeeda iyo dadka reer SSC ee ka socda magaalada Laascaanood.

War-saxaafeed maanta ka soo baxay Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa lagu sheegay in “magaalada Laascaanood ay ka baxaan ciidamada huwanta ah oo ay mid yihiin kuwa ka yimid Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya”.

Maamulka Somaliland ayaa hore dagaalka magaalada Laascaanood ugu eedeeyay Al-shabaab, Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, hase ahaatee waxaa la ogyahay in Laascaanood ay ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka.

Ciidamada Somaliland ayaa magaalada Laascaanood ka gaystay duqayn ba’an oo sababtay dhimasho, dhaawac iyo burbur. Meelaha ciidamada Somaliland duqeeyeen waxaa ka mid ah xarumaha caafimaadka iyo goobaha kale ee lagu bixiyo adeegga dadweynaha.

PUNTLAND POST