Dowladda Federaalka oo looga digay muddo kororsi

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaareyaashii hore Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdrashiid Cali Sharmarke, Cabdiweli Cali Gaas, Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali ayaa ka digay muddo kororsi ay sameystaan goleyaasha dowladda federaalka Soomaaliya.

Bayaaan ay wadajir u soo saareen madaxdii hore ayaa lagu sheegay in muddo kororsi ay ku howlan yihiin labada aqalka ee baarlamaanka, waxayna tallaabadaas ku tilmaameen sharci darro baalmarsan dastuurka dalka.

Waxay sheegeen in aysan xilligan jirin baahi taagan oo loo qabo in wax ka baddel lagu sameeyo dastuurka oo ujeedadiisa tahay muddo kordhin la sameeyo, haddii ay dhacdana ay horseedi doonto dib u dhac ku yimaada dowlad dhiska, xasilloonidda siyaasadda iyo dagaalka argagixisadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayay ugu baaqeen in uu arrintan xagal daacinta ah uu dalka iyo dadka ka badbaadiyo, maadaama uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadii’da asaasiga ah ee dastuurka.

PUNTLAND POST