Taliska Korneyl Muuse Biixi oo ka baxay xabbad-joojin uu ballan-qaaday

Taliska Somaliland ee Korneyl Muuse Biixi ayaa gebi ahaanba ka baxay xabbad-joojin uu dhawaan ka ballan-qaaday dhex-dhexaadiyaal ka socday Itoobiya.

Ciidamada Somaliland ayaa sida la xaqiijinayo xalay weerar gaadmo ah ku soo qaaday jiidda dhinaca bari ee magaalada Laascaanood.

Wararku waxay sheegayaan in weerarka kadib uu iska hor imaad xooggan halkaas ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo xoogaga Daraawiishta SSC.

Weli faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha ka dhashay Iska hor imaadkaas islamarkaana weli ma jirto cid ka hadashay labada dhinac.

PUNTLAND POST