Xukuumadda Puntland ayaa maanta shirkadda isgaarsiinta SOMTEL ka joojisay qodaalka xarigga Fiber Optic-ga.
Wareegto ka soo baxday wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa shirkadda SOMTEL looga joojiyay qodaalka Fiber-ka.
Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in shaqaalaha shirkadda SOMTEL qaarkood ay jareen xarriga Fiber-ka shirkadda Golis.
Waxa uu sheegay in sababtaas darteed Somtel looga joojiyay in ay sameeyaan qodaalka Fiber-ka waxaana uu amray in baaris lagu sameeyo.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.