Dilka wadayaasha Mooto Bajaajta oo joogto ka noqday Muqdisho

Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho ku dilay darawal Mooto Bajaaj.

Askarigii dilka gaystay ayaa sida goobjoogayaal sheegeen ku baxsaday mootadii uu waday darawalkii uu dilay.

Dilka kaddib qaar ka mid ah darawallada Mooto Bajaajta ayaa dhigay bannaan-bax ay uga soo horjeedaan dilalka wadayaasha Bajaajta oo joogta ka noqday magaalada Miqdisho. Bannaan-baxyaasha ayaa sheegay haddii dowladda wax ka qaban waydo dilalkooda in ay hub iibsan doonaan, isla markaana ay is difaaci doonaan.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho aad ugu soo batay dilalka loo gaysanayo darawallada Mooto Bajaajta, waxaana shalay ay aheyd markii darawal Mooto Bajaaj lagu dilay agagaarka laami yaraha Soobe ee Muqdisho.

PUNTLAND POST