Ra’iisul Wasaare Xamse oo daahfuray Imtixaanka shaqaaleysiinta saddex kun oo macallin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta daahfuray imtixaanka shaqaaleysiinta saddex kun oo macallin oo ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Imtixaanka waxaa ka qaybgalaya 8000 oo macallin, oo ku galaya imtixaanaadka 22 goobood oo ku kala yaala 11 magaalo oo ka tirsan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerey goobaha lagu qaadayo Imtixaanka oo ay kamid tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay in wasaaraddu shaqaaleyso tiro intaan le’eg oo macallimiin ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii canshuurta laga qaado dadka Soomaaliyeed dib loogu celin lahaa, si fursad waxbarasho loo siiyo saddex milyan oo carruur Soomaaliyeed, kuwaas oo gaaray da’dii waxbarasho.

Wasaaradda Waxbarashada oo hormuud u ahayd qabsoomidda Imtixaanka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey dadaalkooda, gaar ahaan dib-u-eegista hannaanka waxbarashada dalka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee degan goobihii waxbarashada dalka guud ahaan in ay banneeyaan, si loogu adeeggo ubadka Soomaaliyeed. Wuxuuna faray Hay’adaha amniga iyo wasaaradda waxbarashada in ay iska kaashaadaan soo celinta goobahaasi.

PUNTLAND POST