Kumanaan rayid ah oo ku bara-kacay colaadda Laascaanood ayaa u baahan gurmad banii’aadanimo oo mug weyn.
Duqaymaha iyo dagaallada 20 cisho ee u danbaysay ka socday Laascaanood ayaa sababay bara-kaca kumanaan rayid ah oo u badan haween iyo carruur.
185,000 kun oo rayid ah islamarkaana ka baxsaday colaadda Laascaanood ayaa ku bara kacay gudaha dalka sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
In ka badan 60,000 kun oo qof ayaa sidoo kale u qaxay dhinaca dowlad degaanka DDS ee dalka Itoobiya sida laga soo xigtay UN-ka.
Bara-kaca shacabka Laascaanood ayaa ku soo beegmay wakhti adag oo jiilaal ah waxaana sida la sheegayo aad u hooseeya heerka gurmad ilaa iyo hadda loo fidiyay.
PUNTLAND POST