Dagaal ka socda Laascaanood

Dagaal ayaa goordhaweyd ka billowday galbeedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeya dadka deegaanka iyo ciidamada Somaliland.

Ciidamada Somaliland ayaa maanta weerarka ka soo qaaday dhanka galbeedka magaalada, waxaana wararku sheegayaan in uu weerarkaas qayb ka yahay Mahad Cambaashe oo ka soo jeeda deegaanka, balse daacad u ah Somaliland.

Sidoo kale ciidamada Somaliland ayaa xaafadaha Laascaanood ku garaacaya duqaymo aan loo meel dayin sida ay noo sheegeen goob-joogayaal kala duwan.

Dagaalka iyo duqaynta ciidamada Somaliland ka wadaan magaalada Laascaanood oo gashay todobaadkii saddexaad ayaa sababtay dhamisho, dhaawac, barakac iyo burbur, oo aad u badan.

PUNTLAND POST