Xisbiga UCID oo ku eedeeyay Muuse Biixi inuu been ka sheegay dadka Laascaanood

Maxamed Aadan: “Mowqifka UCID waa in dagaal sokeeye uu Laascaanood ka socdo oo ay dowladda Somaliland mas’uul ka tahay”.

Hargeysa (Wararka PP) — Guddoomiyaha Maroodi Jeeex ee UCID Maxamed Aadan Axmed ayaa telefishinka SAAB siisay faahfaahin ku saabsan kulan shalay dhexmaray diblomaasi Maraykan ah iyo iyo labada xisbi UCID iyo Waddani. “Waxay labada xisbi la wadaageen diblomaasiga xaaladda dalka. Waannu ka xunnahay dadka barakacaya iyo dadka Laascaanood ay dowladda Somaliland ku tilmaantay argagixiso. Waxaannu dagaaalka u aragnaa dagaal sokeeye” ayuu guddoomiyahu yiri.

Hadalka sarkaalka sare ee UCID wuxuu taageerayaa hadalkii uu Nicolas Delaunay, oo ka tirsan International Crisis Group, uu u sheegay wargeyska The Guardian. Nicolas ayaa ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Somaliland ee ah in ay argagixiso joogto Laascaanood mid “ay Somaliland ay ku magac-dilayso dadka ka soo horjeeda”. Wuxuu intaas ku daray inaysan jirin caddayn la taaban karo in Somaliland ay argagixiso kula dagaallamayso Laascaanood.

Mowqifka xisbiga UCID wuxuu dunida tusay in Somaliland ay aloostay colaad sokeeye si ay beesha caalamka uga dhaadhiciso in argagixiso aan Laascaanood joogin ay la dagaallamayso. Duqaynta ciidammada Somaliland ku wadaan Laascaanood ayaa sababtay burbur baahsan, dhimasho, dhaawac iyo qax. Guddoomiya xisiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Muuse Biixi  Cabdi inuu iscasilo.

© Puntland Post, 2023