Maxaa ka jira in shirkad gaar ah loo xiray codsiga dal ku galka Kenya?

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa been abuur ku tilmaamtay warqad lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida iyo baraha bulshada oo ku saabsanayd in dowladdu codsiga dalka ku galka (Visa) Kenya u xirtay shirkad gaar loo leeyahay.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in warqadaas oo gaartay dowladda Kenya ay tahay mid been abuur ah oo aan ka turjumayn mowqifka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in ay dowladda Soomaaliya ka rajeyneyso dowladda Kenya fulinta heshiiskii July 15, 2022 ee wada gaareen labada dal, kaas oo ay ku caddayd qaabka dadka wata baasaboorka Soomaaliya ay ku codsan karaan dal ku galka Kenya.

Waa markii labaad oo maalmo gudahood ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya beeniso warar laga faafiyay, sidaan oo kale maalintii talaadada ee todobaadkan, wasiir Huruuse wuxuu beeniyay in gaari ay leedahay wasaaradda arrimaha dibada uu u gacan galay Al-shabaab.