Maraykanka oo Muuse Biixi kala hadlay duqaynta Laascaanood

Safiir ku-xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Tim Trenkle oo maanta tagay magaalada Hargeysa ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sida ay sheegayaan xogo madax bannaan Amb. Tim Trenkle ayaa kala hadlay Muuse Biixi duqaynta ciidamada Somaliland ka wadaan magaalada Laascaanood iyo in si deg deg ah heshiis looga gaaro doorashada madaxtinimada Somaliland.

Sidoo kale war ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in safiir ku-xigeenka Maraykanka iyo Madaxweynaha Somaliland ka wada hadleen arrinta Laascaanood iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalladii u dhexeeyey dawladda federaalka iyo maamulka Somaliland.

Kulanka safiir ku-xigeenka Maraykanka Tim Trenkle iyo Muuse Biixi ayaa ku soo aaday, iyadoo ciidamada Somaliland todobaadkii saddexaad ay duqayn ka wadaan Laaacaanood, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah iyo burbur xooggan oo soo gaaray magaaladaas.

PUNTLAND POST