Puntland: TPEC oo shaacisay wejiga 3-aad ee diiwaangelinta

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa shaaciyay wakhtiga ay bilaabanayso wajiga 3-aad ee diiwaangelinta doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga TPEC ayaa lagu sheegay in 28 February 2023 ee bishan ay gobolka Mudug ka bilaamanayso diiwaangelinta, islamarkaana ay ku egtahay 12 March 2023.

Diiwaangelinta doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka oo hadda ka socota gobolka Nugaal ayaa horay looga soo qabtay gobolada Bari, Karkaar, Gardafuu, Sanaag iyo Hayland.

PUNTLAND POST