Weerar qaraxyo ku billowday oo ka dhacay Muqdisho

Weerar ku billowday qaraxyo ayaa maanta ka dhacay guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan.

Rag ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa ka dhex-dagaalamaya gurigan oo kaabiga ku haya dhismaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee degmada Cabdicasiis, waxaana la maqlayaa rasaas xooggan.

Al-shabaab oo war ka soo saaray weerarkan ayaa sheegay in ay weerareen guri ay ku sugnaayeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Macawiisleyda, kuwaas oo ka soo dagaallamay gobolka Hiiraan.

Dowladda ayaa weli ka hadlin weerarkan, sidoo kale ilaa iyo haddana lama oga inta uu le’eg yahay khasaaraha ka dhashay.

PUNTLAND POST