Madasha Siyaasadda Puntland oo dhawaysay go’aankii Garxajis

Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku midaysan yihiin hoggaamiyeyaal isbeddel-doon ah ayaa soo dhawaysay baaqii ay shalay soo saareen beesha Garxajis (Somaliland) ee la xiriiray colaadda Laascaanood.

“Madasha Siyaasadda Puntland waxay soo dhawaynaysaa baaqa ay soo saareen salaadiinta, odayaasha iyo waxgaradka beesha Garxajis, waxaana madashu bogaadinaysaa goa’aannada iyo talooyinka ay soo jeediyeen. War murtiyeedka beesha Garxajis waxay xaqiiq cad u yihiin in beelaha walaalaha ahi doonayaan inay nabad, xasilooni iyo deris wanaag ay kuwada noolaadaan, sidaa daraadeed madashu waxay tageeraysaa go’aanada iyo talooyinka ay beeshu soo jeedisay inay tahay mida keliya ee bilow u noqon karta joojinta duulaanka Laascaanood isla markaana u horseedi karta nabadgelyo dhamaan SSC” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Madasha.

Madasha Siyaasadda Puntland waxay xustay in maamulka waqooyiga ee Somaliland oo uu hoggaamiyo Muuse Biixi ka geystay magaaladda Laascaanood denbi dagaal oo sababay dhimasho, burbur iyo barakac, ayna tahay in lagu maxkamadeeyo denbiyada dagaalka gudaha iyo dibadda dalka.

Madasha ayaa ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in inay gacan weyn ka geystaan caawinaad mug leh oo looga baahan yahay deegamada SSC.

Madashu waxay mar kale soo jeedisay in la raaco lana fuliyo go’aankii Laascaanood ee isimada iyo waxgaradka SSC ay soo saaareen 5 Febaraayo 2023.

PUNTLAND POST