Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kulan ku yeeshay Addis Ababa

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Addis Ababa, Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Macamuud ayaa la wadaagay dhiggiisa dalka Kenya howgalka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka ay wadaan ee lagu dirirayo Al-shabaab.

Dhankiisa, Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dalkiisu ay si buuxda u taageerayaan ka mid noqoshada Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoona tilmaamay in dalkiisa ay saameyn toos ah ku yeelanayso xaaladda Soomaaliya, muhiimna ay u tahay xasilloonida gobolka.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggiisa Dalka Kenyain Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sidaas awgeedna ay mudnaanta siinayaan yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada gobolka.

PUNTLAND POST