Qaramada Midoobay oo warbixin ka soo saartay Shacabka ku bara-kacay dagaalka Laascaanood

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-xirka Arrimaha Bani’aadannimada ee (OCHA), ayaa shaaciyay in 185,000 oo qof ay ka barakaceen dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Bayaan ka soo baxay xafiiska OCHA ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in weli ay jiraan warbixino ku saabsan in dagaalka Laascaanood uu sii socdo inkasta oo xabad-joojin lagu dhawaaqay.

“In ka badan 185,000 oo qof ayaa la barakiciyey” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-xirka Arrimaha Bani’aadannimada ee UN-OCHA.

Sida ay sheegtay OCHA, haweenka iyo caruurta ayaa ah 89 boqolkiiba shacabka la barakiciyey, iyada oo in badan ay gabbaad ka raadiyeen geedaha iyo iskuullada u xirmay dagaalka dartiis.

OCHA ayaa sheegtay in saraakiisha isbitaalka guud ee Laascaanood ay ku warrameen dhimashada 57 qof iyo 401 oo dhaawac ah oo lagu daweeyey afar isbitaal oo kala duwan.

Ciidamada Somaliland ee fadhiya Buuraha Gooja-cadde ee duleedka Laascaanood ayaa weli sii wada duqaymaha aan kala sooca lahayn oo ay ku beegsanayaan rayidka ku harsan xaafadaha Laascaanood.

PUNTLAND POST