Golaha Shacabka oo ansixiyay labo hindise sharciyeed

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda iyo hindise sharciyeedka nidaamka aaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa.

kulanka oo ay soo xaadiyeen 150 xildhibaan ayaa hindise sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda waxaa ogolaatay 149 mudane, halka hindise sharciga nidaamka maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa ay ogolaadeen 148 xildhibaan.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shir guddoominayay kulanka maanta ayaa xildhibaanada uga mahadceliyay ansixinta labada sharci.

PUNTLAND POST