Wasiirka Caafimaadka Puntland oo booqday degmada Kalabaydh ee Gobolka Sool

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland Dr Jamac Farax Xassan ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Kalabaydh ee konfurta gobolka Sool.

Wasiirka ayaa booqday cisbitaalka magaalada oo ay ka socotay hawlo culus oo lagu daryeelayay bukaano ku soo dhaawacmay dagaalka ka socda magaalada Lascaanood oo masaafo ahaan ujirta 30 Km.

Wasiirka ayaa la kulmay bukaannada iyo shaqaalaha oo uu warbixino ka dhagaystay  ku saabsan xaalada cisbitaalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awooda waxqabadka cisbitaalka.

Wasiir Dr Jamac Farax ayaa sidoo kale booqday goobaha ay daganyihiin dadka ka soo barakacay dagaalka waxaana ukuurgalay xaaladaha ay ku suganyihiin.

Ugu danbeyn wasiirka ayaa dadka deegaanka ku amaanay kaalinta wax ku oolka ah ee ay ka gaysteen soo dhawaynta iyo martigalinta walaalahooda dagaalka ka soo barakacay, waxaana uu xusay in taageero intaas ka balaaran ubaahanyihiin, si loo yareeyo dhibaatooyinka ku hareeraysan.

PUNTLAND POST