In ka badan 270 Al-shabaab ah oo la dilay

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaallo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolada Shabeelada Dhexe iyo Mudug lagu dilay in ka badan 270 Al-shabaab ah.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa yiri “ilaa hadda inta aan xaqiijinnay waxaa deegaanka Iji oo ah agagaarka Mahadaay ee gobalka Shabeelada Dhexe lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo ay maydadkooda ay halkaas ka soo u uruuriyeen ciidamada huwanta ee wada howlgalayay.” 

“Ciidanka Xoogga dalka waxaa ay howlgal ka dhacay gobolka Mudug ku dileen in ka badan 70 Argagaxiso, sidoo kale maalintii sedexaad ayuu howlgal sifeyn ah ka socdaa deegaanadaas” ayuu ku daray.

Sidoo kale wasiir Cadaala ayaa sheegay in howlgal ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen gobolka Jubbada hoose ay kasoo hooyeen guulo waaweyn, isla markaana ay jab xooggan gaarsiiyay Al-shabaab.

PUNTLAND POST