Muuse Biixi oo ka niyadjabsan caaglayaashii Laascaanood

Caaglayaasha Mahad Cambaashe si rasmi ugama mid aha ciidanka Muuse Biixi ka amar-qaata waana sababta ay u diideen inay dagaalka ka qeybgalaan ilaa hadda.

Laascaanood (Warbixin) — Dagaalka Laascaanood wuxuu tusay Muuse Biixi run laga qarinayay: in caglayaasha Hargeysa ay mushaarka siiso aysan dagaal u gali doonin haddii dadka Laascaanood ay hubka qaataan si ay iskaga dul qaadaan heeryada Horgaleyaashu saareen. Caaglayaasha uu horboodi jiray Mahad Cambaashe waxay diideen inay dhinac kala soo jeestaan ciidammada duqeynaya Laascaanood. “Caaglayaashu waxay og yihiin in Hargeysa ay mudnaanta siinayso daaweynta dhaawacyada ciidanka sida rasmiga ah uga tirsan. Waxay kale oo caaglayaashu og yihiin in xoogagga iska caabbintu kula dagaallamayaan Laascaanood dhexdeeda haddii ay isku dayaan inay sheegtaan inay daacad u yihiin Muuse Biixi” nin ku sugan Laascaanood ayaa sidaas sheegay.

15 tekniko ah ayay haystaan caaglayaashu laakiin weli cabsi badan ayaa haysa oo waxay dagaal sii socda u arkaan mid ugu dambayntii horseedi doona in ay bartilmaameed u noqdaan ciidammada dagaalka gardarrada wada oo dagaalka ay caaglayaashu la gali waayeen.

Muuse Biix: “Maleeshiyo beeleedku ma heli doonaan daaweyn haddii aysan dagaalka gelin”.

“Waa suurtogal in lacagta laga joojiyo Caaglayaasha waayo way ku dhici waayeen inay xabbad ka billaabaan Laascaanood dhexdeeda si ciidanka Somaliland ugu marmarsiinyoodaan inay Laascaanood soo galayaan si ay u kala celiyaan beelo is laynaya. Mahad Cambaashe ma doonayo in Caaglayaashiisu dagaalka Laascaanood ka dhacaya ku dhintaan ama ku dhaawacmaan waayo wuu arkaa in xaaladdu isbeddeshay” bare Laascaanood ku sugan ayaa sidaas sheegay.

Caaglayaashu marnaba ma filaynin in dagaal weyn uu dhici doono. Maxay caaglayaashii Hargeysa lacagta ku siinaysay cabburinta dadka Laascaanood u diideen inay u dagaallamaan Muuse Biixi oo dagaal sokeeye dib uga aloosay Waqooyiga Soomaaliya? Horgalayaashu way ka baraq-nugul yihiin qabqablayaashii reer Muqdisho iska qabashadooda u hureen naf iyo maal sanadkii 2006.

© Puntland Post, 2023