Sooyaalka doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Puntland 2013-2023

Siyaad Cali Jaamac

Nayroobi (Ra’yi) — Waa sanadkii 10-naad Ramadaanka nagu soo aaddan iyadoo uu jiro khilaaf doorasho oo sababay dhimasho, dhawac iyo kala aragti duwanaan aad u xooggan.

Bishii Julaay 2013 waxay ahayd bishii ay dowladdii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole iyo guddigii doorashooyinka wakhtigaas ay muddeeyeen doorashooyinka degmooyinka ee Puntland.

15kii Julaay 2013 waxay ahayd maalintii dowladdii Puntland ee xilligaas ay soo saartay warqad ay ku ku joojisay doorashooyinkii golayaasha deegaanka, kaddib markii uu dhacay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ku dhawaad 40 casho kaddib maanta waxaa billaaban doona Ramadaan (Soonka) waxaana jira dad diiddan is diwaangelinta iyo doorashooyinka golayaasha deegaanka. Waxaa dhacay iska hor imaadyo geystay khasaare, bannaanbaxyo iyo baaqyo lagu diiddan yahay sida dowladda Deni ay u maamulayso geeddi-socodlka doorashooyinka golayaasha deegaanka. Ma habboona 10 sano kaddib in mar labaad uu fashilmo hindisaha dimuqraadiyeynta oo ah mid dadka Puntland ay aad ugu baahan yihiin si loo helo awood-daadejin dhab oo meesha ka saarta awoodda aan isla xisaabtan ku salaysnayn oo dhamaan talisyadii kala duwanaa ee Puntladn ku dhaqayeen dadka muddo dheer.

Madaxweyne Deni iyo TPEC waxaa la gudboon inay saxaan habraaca doorashooyinka golayaasha deegaanka. Waddada ay u marayaan turxaan-bixinta waa inay noqoto wadatashi baahsan si la iskugu raaco mabaadii’ sharciyadda hagi doona doorashooyinka kana hortagi doona in hawsha socota ka beri yeesha mid dowladdu keligeed wadato oo ay siyaasad ahaan isku naaxinayso. Turxaan-bixintu wayfududdahay waayo ismaan dhaafku uma qotodheera sidii uu u qotodheeraa 2013kii laakiin waa ka khatar badan yahay.