Somaliland oo dagaalkii ugu cuslaa saaka ku qaaday Laascaanood

Maamulka Somaliland ayaa saaka dagaalkii ugu cuslaa ku qaaday magaalada Laascaanood sida ay ku soo warramayaan goob-joogayaal.

Ciidamada Somaliland ayaa maalintii todobaad oo xiriir ah duqayn aan kala sooc lahayn ku garaacaya Laascaanood.

Ciidamada Somaliland oo ku sugan saldhigyo ka baxsan Laascaanood ayaa magaalada ku garaacaya hubka culus ee Artillery-ga.

Dagaalka tooska ah  ayaa sidoo kale ka socda bannaanka Laascaanood waxaana la soo werinaya khasaare kala duwan.

PUNTLAND POST