Muuse Biixi oo Ka Soo Loox-jiitay Qabqablayaashii Muqdisho

Muuse Biixi, oo sida qabqableyaashii Muqdisho, isku dayay in dadka ka aragti-duwan uu argagixiso ku tilmaamo.

Hargeysa (Warbixin) — Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Muuse Biixi Cabdi, Madaxwenyaha Maamulka Somaliland iyo qabqablayaashii Muqdisho? 2006dii ayay qabqablayaashii Muqdisho arkeen in awooddoodii sii yaraanaysay. Waxay isla garteen in sida keliya ay Muqdisho uga sii talin karaan ay tahay in ay Muqdisho ku tilmaamaan magaalo ay argagixiso ku nooshahay. Wakiillada dowladda Maraykanka ku sugnaa Bariga Afrika ayay ula tageen qorshe ganacsi (business plan) dulucdiisu ahayd: Muqdisho waxaaa ku sugan argagixiso kala duwan oo lagaga hortagi karo oo keliya haddii nala siiyo maalgelin. Maraykanku wuu u guuxay qorshaha qabqablayaashii soo camcameen. Wuxuu siiyay lacag ka badan 7 milyan oo doollar. Lacagtaas waxay u adeegsadeen samaynta urur ay u bixiyeen Isbahaysiga La Dagaallanka Argagixisada (Counter-terrorism Alliance).

Maraykanku wuxuu taageereray hindisihii qabqablayaashii Muqdisho u gacangelinta Mareykanka shaqsiyaad Soomaaliyeed oo ay qabqableyaashu ka afduubeen qeybo ka mid ah Muqdisho, shaqsiyaadkaas.

Argagixiseyn dano dhaqaale ku salaysan

Qabqablayaashii Muqdisho oo dagaal la galay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga sanadkii 2006.

In qofkii ka aragti-duwanaada lagu tilmaamo argagixo ama qof xasiloonni-darro waxay ka mid tahay Tabaha maamulka Muuse Biixi adeegsado. Sanadkii hore Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimmaha Gudaha Somaliland, ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaga Xisbiga UCID Cabdiraxmaan Maxmed Cabdullaahi (Cirro) in uu lacag u diro ciidan ka yimid Muqdisho oo “xasilooni-darro ka wada” Hargeysa. Wuxuu Kaahin sheegay in baaris lagu ogaaday xogtaas. Mar kale wuxuu ku eedeeyay Cirro inuu u shaqaynayay dowladdii Kacaanka, sidaas darteedna uu ka horjeeday halgankii ururkii SNM. Waxaa Kaahin dhinac fadhiyay Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo askari ahaa hoggaaminayay urur ka mid ah ciidanka xogga dalka oo saldhigyo ku lahaa Hargeysa.

Jaamac Shabeel:”Muuse Biixi xabbad joojin ayuu ugu baaqay reer Laascaanood oo uu ku tilmaamay argagixiso.”

16 sano kaddib Muuse Biixi ayaa waddadaas maray kaddib markuu ku tilmaamay Laascaanood inay tahay magaalo ay argagixso ku sugan tahay. “Sidee xabbad joojin ugu baaqday dad aad argagixiso ku tilmaantay?” ayuu yiri Jaamac Shabeel oo mar ka tirsanaa madaxda sare ee Xisbiga Kulmiye. Laascaanood waa magaalo uu Biixi ka waday qorshe uu kula dagaallamayo dadka siyaasadda ay isku hayaan isaga kuna sugan Hargeysa. Wuxuu dejiyay qorshe xisbi waraabe-u-taag ah loogu soo saarayo Xaglatoosiye ama Cataash, oo Buuhoodle iyo Laascaaood ka soo kala jeeda kuse abtirsada beelaha SSC. Qorshahaas waxaa looga gol-lahaa in saaxadda looga saaro Waddani ama UCID, laba xisbi oo uu Biixi u arko inay ka hortaagan yihiin unkidda hab siyaasadeed dhidibbada u sii adkaynaya tabihii marxuum Maxmed Ibraahim Cigaal, Madaxweynihii labaad ee Somaliland, talada kaga ilaalinayay beesha uu marxuum Cabdiraxmaan Tuur ka soo jeeday.  Qorshahaas waxaa wax dhabarka ku dhuftay kacdoonkii ciidanka Somaliland looga saaray Laascaanood. Xagletoosiye dib ayuu Laascaanood ugu soo noqday oo dhaleeceeyay duqeynta Laascaanood. Cataash weli Hargeysa ayuu ku sugan yahay oo wuxuu, sida Cabdirisaaq Khaliif taageersan yahay duqeynta ciidanka Somaliland ku wadaan Laascaanood.

Mid ka mid ah dhismayaasha Laascaanood oo uu ciidanka Somaliland meel fog ka soo duqeeyay.

Biixi iyo Kaahin waxay ahaayeen laba sarkaaal oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya  inta aysan u goosanin ururkii SNM oo fadhigiisu Itoobiya ahaa siddeetamaadkii qarnigii hore. “In been la sheego, in dadka ehelka ah la isku diro, in la banneeyo duqeynta magaaalo si nabad loogu nool yahay waxay intaba ka mid yihiin waddada ay u marayaan inay awoodda sii haystaan siina wadaan hab siyaasadeed dadka Somaliland qaarkood lagaga hor istaagayo fursado nololeed” ayuu sheegay siyaasi Hargeysa ku nool oo aan doonaynin in magaciisa la sheego.  

Nabad-ku-cabsiin

“Somaliland waxaa ka jirta wax cilmibaare Biritish ah oo wax ka qortay hab siyaasadeed ganacsiga-siyaasadda isku qoofalan ay ku tilmaantay nabad-ku-cabsiin (peacocracy” ayuu yiri cilmibaare muddo u kuurgalayay wax uu ku tilaamay seddex xagalka Wajaale-Berbera-Jabuuti oo, sida uu sheegay, siyaasadda ugu danaysta ilaalinta dano ganacsi. Hadalkiisu wuxuu aad ugu dhow yahay sawirkii Hoggaamiyaha Waddani Xirsi Xaaji Cali uu ka bixiyay dowladda Somaliland oo uu ku suntay inay tahay mid danaha ganacsi ee shaqsiyaad gaar mudnaanta ka siisa u adeegista dadka.

Cabdiraxmaan Cirro dacwad rasmi ah kama gudbin Maxamed Kaahin oo ku eedeeyay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani “inuu lacag u diro askar Xamar joogta” oo amnidarro u maleegaysay Hargeysa.

Kacdoonka Laascaanood ma beddeli doono oo keliya siyaasadda Sool iyo deegaammada beesha SSC, wuxuu kale oo horseedi kari doonaa dib isu eegis iyo isbeddel sal iyo baar ah oo ku dhaca hab siyaasadeedka Hargeysa oo Laascaanood, ka hor kacdoonka, u arkayay meel Biixi uu ka suurtagelin doono dib u cusboonaysiinta hab Ciigaal uu soddon sano ka hor sameeyay laakiin ku dambeeyay mid go’doomiyay Somaliland duqeynta ay u geysatay Laascaanood awgeed oo ah mid aan Soomaaliya ka dhicin waayo ma jirin  magaalo dibedda laga soo duqeeyay mana jirin xoogag dhiigga Soomaalida daadinaya iyagoo ku doodaya in qarannimada Soomaaliya tahay mid aan jirin.

© Puntland Post, 2023