Jubaland: Al-shabaab oo weerartay xero ciidan

Kooxda Al-shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday xero ciidan oo ku taala degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Al-shabaab ayaa labo gaari oo walxo qarxa lagu soo raray ku qarxisay afaafka xero ciidan oo ay wada daganaayeen ciidamo ka tirsan dawladda federaalka iyo kuwa daraawiishta Jubaland.

Gudoomiyaha degmada Afmadow Maxamed Amiin Cabdillaahi Cismaan oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in aysan jirin wax dhimasho ah oo weerarkaasi uu sababay, balse ay jiraan dhawaacyo soo gaaray askartii xeradaas joogtay.

PUNTLAND POST