Ciidamada Somaliland oo maalintii lixaad duqaynaya Laascaanood

Ciidamada Somaliland ayaa maalintii lixaad madaafiic iyo hubka waaweyn ku garaacaya magaada Laascaanood.

Goob-joogayaal ku sugan Laascaanood ayaa noo xaqiijiyay in duqaymo xooggan oo aan kala sooc lahayn ku socdaan xaafadaha magaalada.

Mas’uuliyiinta Somaliland oo xalay warbaahinta kula hadlay degmada Caynaba ayaa sheegay in xabbad-joojin hal dhinac ah ay samaynayaan.

Waxaase ku xigtay in saaka madaafiic iyo hubka culus lagu garaacayo xaafadaha kala duwan ee Laascaanood.

PUNTLAND POST