Somaliland oo beddeshay qorshaheeda weerarka Laascaanood

Mahad Cambaashe wuxuu u xilsaaran yahay ilaalinta saanadda loo adeegsado gumaadka dadka Laascaanood

Laascaanood (Warbixin) — Kaddib dagaalkii 6dii Febraayo ka qarxay Laascaanood, maamulka dagaalka goosasho-doonka ah wada wuxuu go’aansaday inuu beddello qorshaha uu ku soo weerarayo Laascaanood. Xuddunta qorshahaas waa waddada Yagoori ilaa dhooddi oo hadda ay sahaydu u soo marto. Mahad Cambaashe wuxuu hadda u xilsaaran yahay ilaalinta sahayda.

Hawshan cusub loo dhiibay Mahad Cambaashe waxaa la og Cabdirisaaq Khaliif, oo ugu magacaaban Hargeysa Afhayeenka Aqalka Wakiillada, oo dagaalka lagu soo qaadayo Laascaanood u arka ,mid dib loogu soo nooleynayo awooddii Mahad Cambaashe iyo maleeshiyadiisii oo hadda kala daadatay.

Sahayda uu Mahad Cambaashe soo gudbinteeda u xilsaaran yahay waxaa loo soo wadaa Tukaraq oo ah meesha maamulka dagaalka gardarrada wada uu weerarka kaga soo qaadayo Laascaanood. Isbeddelka qorshaha dagaal waxaa sababay sida Hargeysa u fasiratay warmurtiyeedkii maamulka Puntland u kaga runsheegay inuusan kaalin ku lahayn  dagaaalka ka socda duleedka Laascaanood. Somaliland waxay u aragta hadalka Puntland mid u fududeynaya inay hub iyo saanad iyo ciidan ku soo urursato si ay u soo weerarto magaalo Puntland ka tirsan marka la eego Cahdigii Puntland lagu asaasay.

Cabdirisaaq Khaliif wuxuu wadaa shaqo lagu tilmaamay “hoosaasin” si Laascaanood dib ugu noqoto gacanta goosasho-doonka iyo caaglayaasha u shaqeeya.

Mahad Cambaashe caaglayaashiisa wixii ka haray ma galaan dagaal ka dhan ah Laascaanood laakiin waxay ka dhursugayaan qorshaha maamulka duqeynta ku wada Laascaanood. Xeeldheere militari oo Laascaanood ku sugan ayaa sheegay in shaqada hadda uu Mahad Cambaashe hayo ka halis badan tahay tii uu hayay markuu Laascaanood joogay. “Dadkii Laascaanood oo dagaalka ku dhimanaya qaarna duqeyn ku dhimanayaan kuna dhaawacmayaan ayuu cadawga u hayaa shaqo sahay ilaalin ah si gaadiidku u soo maro dhulka beeshiisu degto.”

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil wuxuu shalay ugu baaqay Muuse Biixi inuu ciidankiisa la baxo.  Dhanka kale, Cabdirisaaq Khaliif dan ayuu u arkaa beenta Muuse Biixi sheegay kaddib markuu ku tilmaamay Laascaanood magaalo ay argagixiso joogto. “Mahad Cambaashe halis weyn ayuu beeshiisa galinayaa haddii uu shaqada sahay ilaalinta sii wado waayo dagaalku wuu sii dabadheeranayaa maadaama hal beel oo Laascaaood degta ay dagaal kula jirto beelo badan oo isku hayb ah” ayuu yiri nin ku sugan Laascaanood.

Halista qorshaha Tukaraq haddii aan laga hortagin, isla markaasna aan lagu baraarugin shaqada uu Mahad Cambaashe wado, waxaa dhici doonta isir sifayn uu Muuse Biixi ku taamayo” ayuu yiri nin hore uga tirsanaa golaha deegaanka ee Laascaanood. Taliyayaasha ciidammada dagaalka gardarrada ah wada waxay ku dadaalayaan in dagaal uusan ka dhicin galbeedka Sool, meelaha beesha Mahad Cambaashe ay degto, dhulkaas oo uu saadku u soo maro ahna meesha laga maleego qorshaha  burburinta Laascaanood. Sida ciidammada iska caabbinta dagaalka gardarrada ah uga jawaabi doonaan halisaha muuqda waa kuwo aan weli la ogeyn.

© Puntland Post, 2023