
Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka kusoo barakacay dagaalka Magaalada Laascaanood ayaa maanta booqday dhawaacyada yaal Cisbitaalka guud ee magaalada Garowe.
Masuuliyiinta ayaa u kuurgalay xaaladda guud dhawacyada waxayna bahda Caafimaadka ee cisbitaalka guud kula dardarmeen in si hufan loogu adeego dhaawacyada Cisbitaalka yaal.
Dowladda Puntland waxay hay’adaha Caalamiga ah ugu yeeraysaa in ay gacan ka geystaan sidii gargaar deg deg loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay dagaalka Magaalada Laascaano iyo kuwa dhaawacmayba.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.