Dagaal aad u culus ayaa maalintii saddexaad ka socda aagag ku dhow magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Dagaalka oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo ciidamada difaaca shacabka SSC ayaa lagu soo warramayaa in uu ku sii fidayo jihooyin ka baxsan Laascaanood.
Ciidamada Somaliland ayaa difaaca adag ka xirtay Taliskooda ugu weyn ee Gooja-cadde halkaas ay ku fara-adaygayan in aanu gacantooda ka bixin.
Abaabul dagaal iyo diyaar-garow xooggan oo ka dhan ah Somaliland ayaa sidoo kale saaka laga dareemayaa guud ahaan Gobollada SSC oo ay u horreeyaan Dhooddi iyo Nugaal.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo mar sii horraysay hadlay ayaa sheegay in Ciidamo sooc ah oo ka soo jeeda Beesha Isaaq ay ku soo duuleen Carra Dhulbahante islamarkaana ay dagaal isaga kicinayaan.
” Waxa nala dagaallamaya waa sooc Beesha Reer Shiikh Isxaaqa oo soo duulay. Annaguna waxaan difaacaynnaa dadkeenna iyo ciiddeena” ayuu yiri Garaad Jaamac.
Dagaalka ayaa u muuqda mid sii ballaaranaya marba marka ka danbaysa waxaana gebi ahaanba fashilmay dadaalladii Nabad-raadinta.
PUNTLAND POST