Beesha Caalamka oo ka hadashay dagaalka Laascaanood

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Laascaanood oo sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.

War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen ATMIS, Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu yiri “Saaxiibada beesha caalamka waxay aad uga walaacsan tahay rabshadaha haatan Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur”.

“Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal” ayaa la raaciyay.

PUNTLAND POST