Garoowe (Wararka PP) — Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku midaysan yihiin hoggaamiyeyaal isbeddel-doon ah ayaa si adag u dhaleeceeyay weerarka ciidanka Somaliland ku soo qaadeen magaalada Laascaanood oo uu ka socday shir madax-dhaqameedka SSC uga tashanayeen aayahooda.

“Madasha Siyaasadda Puntland waxay canbaaraynaysaa weerarkii qaawanaa ee maamulka Somaliland saaka ku soo qaadeen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Madashu waxay soo dhaweynaysaa si buuxdana u taageersantahay go’aamada ay soo saareen isimada, cuqaasha iyo waxgaradka SSC-Khatumo iyo guddigii farsmo ee ay magacaabeen kuwaas oo soo saaray go’aamo ay u dhanyihiin. Sidoo kale waxaa ay madashu ugu baqaysaa hoggaanka Puntland in uu guto wajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta badqabka shacabka SSC-Khatumo” ayay Madashu ku caddaysay warsaxaafadeedka.
Saaka ayay ciidanka Somaliland soo weerareen Laascaanood si ay u carqaladeeyaan warmurtiyeedka ay soo saareen madax-dhaqameedka SSC-Khaatumo oo ku shirsanaa magaalada.

© Puntland Post, 2023
You must be logged in to post a comment.