Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa saaka joojisay tababar magaalada Garroowe uga socday shaqaale loogu tala-galay in ay diiwaan-gelinta ka sameeyaan Gobolka Nugaal.
Wararka ayaa sheegaya in tababarka loo joojiyay sababa amni kadib markii xalay ay digniin bixiyeen ciidamada Kumaandooska Puntland oo ku sugan duleedka Garoowe.
Ciidamada Kumaandooska Danab ee Puntland oo uu hoggaamiyo S/Guuto Jimcaale Jaamac Takar ayaa si adag uga digay in Gobolka Nugaal laga sameeyo diiwaan-gelinta hubaysan ee doorashooyinka lagu muransan yahay.
Xukuumadda Puntland weli wax jawaab ah kama bixin tallaabadaas oo ku soo beegan tahay xilli maalmo kooban ka harsan yihiin wakhtigii loo qorsheeyay in diiwaan-gelinta laga bilaabo Garoowe.
PUNTLAND POST