Cali Xaaji Warsame: Doorasho qof iyo cod waxaa lagu hirgelin karaa oo kaliya heshiis loo dhan yahay

Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in doorashada goleyaasha deegaanka ee qof iyo cod lagu hirgelin karo oo kaliya heshiis loo dhan yahay (Road-map).

Siyaasi Cali Xaaji Warsame wuxuu tilmaamay in barnaamijka doorashada lagu hirgelin karo iyadoo la isku waafaqo meesha loo socdo iyo halka ay ku dhamaanayso, taas la’aanteedna aan cidna kaligeed guuri karin.

“Barnaamijka doorshada golayaasha degaanka Puntland & 1Q1C waxaa lagu hirgelin karaa isla-ogol & wadajir kaliya. Waa in la isku waafaqaa meesha loo socdo & halka ay ku dhamaaneyso. Heshiis loo dhan yahay (Road-map) la’aantiis cidna keligeed ma guuri karo. Fursadii waa joogtaa” ayuu Cali ku qoray gacankiisa Twitterka.

Hadalka siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa ku soo aadaya, iyadoo xiisad la xiriirta diiwaangelinta doorashada goleyaasha deegaanka ee qof iyo cod ay ka taagan tahay magaalada Garowe.

PUNTLAND POST