Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G Sulub Axmed Firin iyo Taliyihii hore S/G Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Dugsiga Sare ee Booliska ee Janeraal Kaahiye ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku uga mahadceliyey taliyihii hore shaqadii uu dalka u soo qabtay muddadii uu hoggaaminayey Booliska oo guulo wax ku ool ah gaaray.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in xilligan muhiimka ah ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab ay ciidanka booliska Soomaaliyeed kaalin weyn kaga jiraan howlgallada socda, isla markaana ay gacanta ku hayaan xasillinta dhammaan deegaannadii dowladdu la wareegtay.

Mudane Saalax ayaa xusay in ciidanka Booliisku uu yahay hooyada ciidamada kala duwan ee qaranka, wuxuuna ku booriyey hoggaanka cusub in looga fadhiyo xaqiijinta amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Munaasabadda ay xilka kula kala wareegayeen Taliyaha cusub ee Ciidanka Soomaaliyeed iyo Taliyihii hore waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaanno, saraakiil iyo marti sharaf kale.

PUNTLAND POST