Aadan Madoobe iyo Mustafa Şentop oo wada-hadal gaar ah yeeshay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga, Mudane Mustafa Şentop.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhigiisa dalka Turkiga kala hadlay xiriirka saaxibtinimo ee Ka dhaxeeya labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay iney isku raaceen in la wada xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Sheekh Aadan Madoobe oo haatan Baydhabo ku sugan ayaa dhinaca kale adkeeyay in la sii laba jibaaro wadashaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga.

PUNTLAND POST