Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda, laguna helay in ay dilal gaysteen.
Maxkamadda CQS ayaa sheegtay in raggan la toogtay dhammaantood ay hore u dileen Saaxiibbadood Shaqa wadaaga ay ahaayeen.
Afarta askari ee la tooggay laba kamid ah waxa ay ka tirsanaayeen ciidanka booliska, mid waxa uu ahaa Milatari, halka kan kalena uu ahaa askari NISA ka tirsan.
Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar iyo Maxamed Nuur Sheikh Warre ayaa sid Maxkamaddu sheegtay ka tirsanaa Booliska.
Cali Maxamuud Xuseen ayaa ka tirsanaa Ciidamada Milatariga, halka Bukhaari Cawil Maxamuud uu ka tirsanaa Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA.
PUNTLAND POST