Cabdirisaaq Khaliif oo taageeray “in Laascaanood tahay meel argagixiso joogto”

Dagaal: Biixi (midig) ayaa dorraad ku beerlaxawsaday Cabdirisaaq Khaliif (dhexda) in maleeshiyada Mahad Cambaashe ku soo celin karto Laascaanood ciidan beeleedka Somaliland.

Laascaanood (Warbixin PP) —  Magaalada Laascaanood waxaa ku soo fool leh Cabdirisaaq Khaliif, Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada maamulka Somaliland. Wuxuu ka tagay Laascaanood maalmo ka hor kaddib markuu ku hungoobay inuu saameyn ku yeesho shirkii wadatashiga. Dorraad ayuu Hargeysa kula kulmay Muuse Biixi. Cabdirisaaq waa ninka keliya oo hadda ka haray kuwa loo yaqaanno ‘Horgalayaasha’ waayo Biixi wuxuu u arkaa in waxa ka haray maleeshiyada uu Mahad Cambaashe wato ay abuuri karaan fursad ay ciidammada Somailand dib uga soo galaan Galbeedka Laascaanood si la mid ah sidii uu Faratoon sanadkii 2003 ciidammo u keenay Yagoori ama Xaabsade uu 2007kii ciidanka Somaliland uga soo geliyay Koonfurta Laascaanood, laakiin waayuhu kuwii ma aha.

Cabdirisaaq Khallif wuxuu ku tashanayaa Garaad Jaamad Garaad Ismaaciil oo, sida uu qof ku dhow Guddiga 33 uu sheegay “kala dooran doona inuu noqdo xaq u dirir ama xaq ka dirir”. “Ciidanka Somaliland Laascaanood xoog baa looga saaray. Beel kasta magaalada qeybta ay ka degto laguma haysto. Haddii maleeshiiyaadka Mahad Cameeshe isku dayaan inay soo weeraraan xaafadaha iyagoo la socoda ciidammada gardarrada wada ee goosasho-doonka, waxaa dhici doonta in dagaal ba’an uu ka dhaco Laascaanood. Ma aha maanta maalintii uu Mahad Cambaashe weerari jiray Saaxdheer” ayuu yiri taliye ka mid ah taliyayaasha ciidanka iska caabbinta ee ku sugan qeyb ka mid ah Laascaanood.

Argagixiseyn

Cabdirisaaq Khaliif wuxuu oggaaladay tilmaantii uu Muuse Biixi ka bixiyay Laascaanood oo u tilmaamay magaalo ay Khawaariij joogto. Cabdirisaaq wuxuu kula heshiiyay Biixi in ciidanka beeshiisa, uu Caagle Sare Mahad Cambaashe horboodo, dib loo hubeyn doono si buuxdana ay uga talin doonaan Laascaanood haddii mar kale ay Somaliland ku amar-ku-taaglayso Laascaanood. “Cabdirisaaq iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil way taageereen barakicintii 2021kii Laascaanood lagaga barakiciyay dad Soomaaliyyed. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil waa inuu  si cad u dhaleeceeyo beenta Muuse Biixi ka sheegay Laascaanood haddii kale xaalkiisu waa kii dhuumanaayow dhabarku muuqdee” nin dhallinyaro ayaa sidaa ku dooday.

Miyuu Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil la qabaa ina adeerkiis Cabdirisaaq Khaliif beenta Muuse Biixi ka sheegay kuna tilmaamay Laascaanood inay tahay magaalo Khawaarij ay joogto?

Shaki weyn baa jira in Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil u nuglaaday cadaadis kaga yimid ina adeerkiis Cabdirisaaq Khaliif oo Laascaanood kula soo noqon doona lacag uu u adegsan doono in maleeshiyada beeshiisu ku laayaan dadka sita calanka Soomaaliyeed. Nin ku sugan Koonfurta  Laascaanood ayaa sheegay in “Laascaanood dagaal uu ka dhici doono waayo maleeshiyada Galbeedka weli ma quusan inkastoo ay ka cabsanayaan inay magaalada soo dhexmaraan. Waxay isku dayayaan inay iska soo horreysiyaan ciidammo laga keenay Arabsiyo, Wajaale iyo Gabiley si  ay u yareeyaan dhaawaca iyo dhimashada soo gaari karta maleeshiyo beeleedka Cabdirisaaq Khaliif uu badbaadintoodu ku hawlan yahay.”

Maleeshiyada Galbeedka Laascaanood waxay  yaraysanayaan nooca uu noqon karo dagaal ka qarxa Laascaanood. Aamusnaanta Garaad Jaamaca Garaad Ismaaciil ka aamusay beenta Muuse Biixi ka sheegay Laascaanood ayaa loo qaadan karaa inuu ku biiray ololaha isku dayga badbaadintaa maleeshiyada waqtigoodu dhammaaday.  Nin ciidammadii Soomaaliya ka tirsanaaa ayaa qaba “dagaal xal buu keenayaa inkastoo burbur baahsan uu soo gaari doono Laascaanood. Waa dagaal Mahad Cambaashe iyo kooxdiisu kaga takoornaan doonaan dadka u dagaallamaya dhowrista midnimada iyo qarannimada Soomaaaliya.”

© Puntland Post, 2023